360 Views

Ruushka oo talaabo adag ka qaaday dalka Fiinland

Ruushka oo talaabo adag ka qaaday dalka Fiinland
____________________________________________________________________________

Sabti: May 21 2022

 Sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Moscow, Ruushka aya gaaska ka jaray dowladda Fiinland kadib markii ay dalbatay in ay kamid noqoto Gaashaanbuurta NATO.

Ruushka ayaa horay Finland uga digey in ay ku biirto Gaanshaanbuurta NATO, sida ay ugga badbaado weerar uu kusoo qaado Ruushka.

Maria Vladimirovna Zakharova, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa horay u sheegtay in “Finland oo ku biirta NATO ay yeelan doonto cawaaqib daran oo ciidan iyo mid siyaasadeedba.”

Arintaan ayaa bilaaw u ah sida ay sheegeen khubaradda dhanka siyaasadda dulaan la filayo in Ruushku uu ku qaado Dalka Finland oo codsaday kamid ahaanshaha Gaashaanbuurta NAATO.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post