603 Views

Xoghayaha Guud ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii deegaanka Ceelbaraf

Xoghayaha Guud ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii deegaanka Ceelbaraf
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

War kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  si kulul lagu cambaareeyey weerarkii Al-shabaab ay la beegsadeen Saldhig ciidanka Burundi ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo dhaliyay khasaaro badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Guud ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii lagu laayay, dowladda iyo shacabka Burundi, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta ku dhaawacantay weerarkaas.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” ayaa  lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud Stéphane Dujarric.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ayaa bogaadiyay dhammaan ciidamada ATMIS, waxaana ugu mahadceliyay adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya, isagoo beesha Caalamka ka codsaday markale inay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya ee dagaalka adag kula jira Ururka Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post