2997 Views

Golaha Badbaadada Qaranka oo loogaga dhawaaqay Muqdisho

Golaha Badbaadada Qaranka oo loogaga dhawaaqay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 18da Maarso, 2021
Gole loogu magac daray Golaha Badbaadada Qaranka ayaa goor dhow loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancadde ayaa akhriyay War-Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharraxiinta.

Golaha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Golaha waxaa ku mideysan Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland iyo Midowga Musharaxiinta.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka laga soo saaray kulan ka dhacay maanta magaalada Muqdisho golahan ayaa ah mid ka shaqeynaya hanaanka doorashooyinka dalka iyo sidii dalka hore loogu socodsiin lahaa maadaama dowladda dhexe ay ku fashilantay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post