855 Views

Duqeyn lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal Shabaab ah oo ka dhacday Sh/Hoose

Duqeyn lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal Shabaab ah oo ka dhacday Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

.

April 21-2021

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolkaasi, waxaana duqeynta iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Caalamka.

Duqeynta ayaa xalay waxaa ay ka dhacday tuulooyinka (Tawakal) iyo (Ugunji) oo hoostaga Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana duqeynta lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha duqeynta lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah Khaalid Cabdulaahi oo ahaa madaxii Canshuuraha ee Deegaanada Hantiwadaag ee gobolka Shabeelada hoose iyo Macalin Yuusuf oo ahaa madaxii Amniyaadka Gobolka Shabeelada Hoose iyo saraakiil kale, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay soo gudbin doonaan magacyada xubnaha kale ee laga dilay Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in duqeynta lagu dilay 5 dagaalame oo la joogay saraakiisha Al-shabaab.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post