750 Views

Tallaalka Coronavirus: Haweenka uurka leh ma qaadan karaan tallaalka Covid-19?

Tallaalka Coronavirus: Haweenka uurka leh ma qaadan karaan tallaalka Covid-19?
____________________________________________________________________________

Iyadoo tallaalka coronavirus ee muddada dheer la sugayay uu haatan soo baxay, waxaa cad in qof walba uu qaadan doono tallaalka. In haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ay qaataan tallaalka waxay ku xirnaan doontaa dalalka ay ku nool yihiin.

Tijaabada tallaalka Pfizer BioNTech laguma darin haween uur leh ama nuujinaya, shirkadda ayaa sheegtay in xogta la hayo aysan ku filneyn in la go`aansado in tallaalku uu khatar u leedahay uurka.

Gudaha UK, maaddaama aan xogtan la heyn waxaa barnaamijyada tallaalka laga reebay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya. Dalka Mareykanka, waxaa go`aanka loo daayay haweenkan qudhooda.

Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa sida ay labadan dal ugu kala qeybsan yihiin, iyo waxa ay taasi uga dhigan tahay haweenka uurka leh.

Maxaa xogta lagu sheegay?

Ilaa iyo hadda, wax badan laguma sheegin xogta.

“Ma jirto xog, waa intaas,” ayay tiri Dr Ruth Faden, oo ka tirsan Jaamacadda Johns Hopkins, taas oo ku takhasustay xuquuqda iyo caafimaadka haweenka uurka leh. Ma jirto xog ku saabsan in tallaalku uu khatar gaar ah u leeyahay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, weli lama hayo xog buuxda oo la sheego.

Pfizer ayaa sheegtay inay raacday shuruucda waaxda Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka, iyadoo tijaabooyinkeeda tallaalka ka reebtay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya. Haweenkan ayaan lagu dari doonin tijaabada tallaalka ilaa ay shirkaddu ka sameyso daraasadda Dart oo inta badan lagu sameeyo xawayaannada.

Khubarrada ayaa sheegay inay tani tahay caado soo jireen ah.

“Xilliyada aysan jirin xanuunnada safmarka ah, haddii aad ka hadleyso tallaal cusub, dadka ugu badan ee daneeya caafimaadka haweenka uurka leh waxay sheegayaan inaysan tijaabada ku darin haweenka uurka leh, Dr Faden ayaa tiri. “Marka horeba kuma dari kartid”.

Balse go`aanka ah in haweenka uurka leh aan lagu tijaabin tallaalka waa mid cakiran xilligan lagu jiro xanuunka safmarka ah.

Maxay Britain iyo Mareykanka ugu kala qeybsan yihiin arrintan?

Iyagoo aan heyn xog buuxda, Britain iyo Mareykanka labaduba way ku kala qeybsan yihiin siyaasaddooda ka fal celinta arrintan.

“Marka aadan heyn xog ka jawaabeysa su`aasha, tan xigta waxay noqoneysaa inaad dib u istaagto oo aad tiraahdo ‘Waa yahay, maxaa kale oo aan ognahay,?'” ayay tiri Dr Faden.

Ingiriiska ayaa muujiyay taxadar dheeraad ah. Hay`adda Public Health England ayaa barteeda internet-ka ku qortay in inkastopo caddeynta la hayo aysan muujineyn in tallaalku uu khatar u yahay haweenka uurka leh, haddana ay hay`addu dooneyso inay hesho xog badan kahor inta aysan taladeeda u jeedin haweenka uurka leh.

Khubarrada Mareykanka ayaa qaaday waddo kale, iyagoo go`aanka qaadashada tallaalka u daayay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya.

“Khubarradu waxay isku raaceen aragtida ah in suurto galnimada ah inuu khatar yahay aysan meesha ku jirin,” ayay tiri Dr Faden. Balse waxay intaas raacisay, “taasi micnaheedu maaha inaysan khatar jirin”.

Shirkadaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in inkastoo tijaabada tallaalka Covid ay ku socotay si xowli ah, haddana aan laga tagin tallaabooyinkii loo baahnaa.

Maxay taasi uga dhigan tahay haweenka uurka leh?

Labada dalba, haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ayaa ku qasbanaan doona inay sugaan warbixin dheeraad ah intaysan helin talo ku saabsan tallaalka.

Natiijooyinka horudhaca ah ee daraasadda Pfizer ee horumarinta iyo badqabka tallaalka ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka sanadkan. Marka la dhammeystiro daraasadda, shirkaffa ayaa balalarin doonta tijaabooyinkeeda iyadoo ku soo dari doonta haweenka uurka leh. Waxaa sidoo kale jira haween uur yeeshay intay tijaabadu socotay kuwaas oo lala socon doono uurkooda.

Inta taas laga agarayo, qaar ka mid ah haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ayaa sheegay inay ka fogaan doonaan tallaalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post