924 Views

Kulamo lagu xalinaayo Beelo dagaalamay oo ka billowday Gobolka Sool

Kulamo lagu xalinaayo Beelo dagaalamay oo ka billowday Gobolka Sool
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu wehlinayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulamo xal raadin ah ka bilaabay Deegaanada sangajabiye iyo Saax-maygaag.

Ujeeddada safarka weftigaan ayaa salka ku hayey sidii xal nabadeed oo waara looga gaari lahaa dirir soo noq-noqotay oo deegaamadaas ku dhexmartay laba beelood oo walaala ah, waxayna kulamo kala duwan la qaateen war garadka iyo Odayaasha Deegaankaas.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanu ka tegi doonin deegaanka illaa xal waara laga gaarayo, maadaama ay dirirtu soo noq-noqotay, sidoo kale aan la aqbali karin in dagaal kasii socdo Saax-maygaag iyo Sange Jebiye Dowladduna ay qaadan doonto doorkeeda kama dambaysta ah ee lagu raadinayo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaanada sangajabiye iyo Saax-maygaag ayaa waxaa ku geeriyooday lix ruux halka ku dhawaad 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post