1200 Views

dibadbax looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December oo muqdisho ka dhacaya bari.

dibadbax looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December oo muqdisho ka dhacaya bari.
____________________________________________________________________________

khamiis: January 6, 2022

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka dibadbax kale oo looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December lagu qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xarunta xukuumadiisa.

Dibadbaxan ayaa waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xukuumadda, maadama ay dhawaan si wada-jir ah u cambaareeyen isku-deygii afgmabi ee uu horkacayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in dibadbaxaas uu dhacayo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Sida uu sheegay Fiqi waxaa sidoo kale banaanbaxaas lagu dalbanayaa doorasho daahfuran iyo amniga dalka oo gacan aamin ah ku jira, xilli uu shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku mari la’yihiin in amniga guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Shacabka Muqdisho ayaa iska leh maalinkaas!,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal kooban oo uu ku shaacinayay banaanbaxa dhacaya Khamiista soo socota.

Banaanbaxan ayaa kusoo aadaya mid maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo huteel la iskugu keenay haween, kaasi oo ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la rumeysan yahay in banaanbaxa looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December iyo madaxweynihii hore uu ka baaxad weynaan doono, midka saaka huteelka la iskugu keenay ee ka dhacay Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

By Guuleed Muuse 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post