240 Views

Ruushka oo ciidamadiisa kala baxaya magaalo muhiim ah oo uu haystay oo Ukraine ku taalla.

Ruushka oo ciidamadiisa kala baxaya magaalo muhiim ah oo uu haystay oo Ukraine ku taalla.
____________________________________________________________________________

Millateriga Ruushka ayaa lagu amray inay isaga soo baxaan magaalada Kherson ee Ukraine, taas oo ah caasimadda keliya ee uu la wareegay tan iyo bishii Febraayo, markii uu dagaalku bilowday.

Taliyaha ciidamada Ruushka oo Ukraine ku sugan, Gen Sergei Surovikin, ayaa sheegay inaysan markan suurtagal ahayn inay magaaladaas geeyaan waxa ay u baahantahay.

Ka soo saarista ciidamada Ukraine ee magaaladaas, ayaa ka dhigan inay isaga bixi doonaan gebi ahaanba daanta galbeed ee webiga Dnipro.

Tallaabadan ayaa sidookale dharbaaxo weyn ku ah Ruushka, isagoo wajahayo weeraro rogaal celis ah oo ugu imanaya Ukraine.

Ku dhawaaqista tallaabadan ayaa imaaneysa wax yar kaddib markii warbaahinta Ruushka ay soo warisay in hogaamiye ku xiigeenka magaalad Kherson, Kirill Stremousov, lagu dilay shil baabuur loo adeegsaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post