4191 Views

Wakhtiga Isbedeley warbaa la socda

Wakhtiga Isbedeley warbaa la socda
____________________________________________________________________________

January 4, 2016 | QOL | Wixii ka dambeeyey doorashadii 2012 shacabka Soomaaliyeed waxey la kulmeen koox yar oo kelitalisa oo talada dalka isku soo koobtay,waxaana u muuqatay shacabka in ciidanka booliska, nabad sugida, iyo maxkamadaha ay ku shaqeynayaan rabitaanka kooxdaas, waxaana sidaas ku dhuntay xoriyadi iyo xuquuqdii muwaadinka iyo madaxbanaanidii saxaafada, waxaana sidoo kale meesha ka baxay madaxbanaanidii garsoorka iyo aaminida lagu qabi karo xaqsoorka cadaaladooda.

Baarlamaankii Soomaaliya ayaa sidoo kale inta badan xildhibaanadiisu waxey gacanta u galeen kooxdaas ka arrimisa madaxtooyada, waxeyna fuliyaan amarada rabitaanka kooxdaas, iyagoo ay ka tanaasuleen iney dalka sharciyadiisa dib u habeyn ku sameeyaan, waxeyna taas qiil u noqotay kooxdaas ineysan jirin sharciyo lagula xisaabtami karo, islamarkaasna waxey sharci la’aantaas fursad u noqotay boobka hantida qaranka iyo musuqa baahsan ee ka dhexjira dowladda. Shacabku waxey arkeen in baarlamaanku uu ku mashquulay shirqoolada lagu ridayo xukuumadaha oo ay soo abaabusho kooxdaas, taas oo astaan u noqotay in danaha gaar ahaaneed ee kooxdaas laga hormariyo maslaxada guud ee dalka.

Nicholas Kay oo ahaa safiirka Qaramada Midoobey u joogey Soomaaliya ayey kooxdaas geysteen xaafiiskiisa mid ka mida lataliyeyaashooda, waxeyna ku guuleysteen iney si caadifad leh uga helaan gurmad deg deg ah kadib markii ay cadaatay in xildhibaano ay ku weyn tahay wadaninimadu ay ku so oogaan madaxweynaha gelid qiyaano qaran, halkaasna waxaa shacabka uga cadaatey in Qaramada midoobey aysan daacad ka ahyn dowlad wanaagsan oo ka dhalata Soomaaliya iyo dalka oo aysan ka jirin madaxbanaani buuxda. Waxey ugu darneyd markii bulshada caalamka ay indhaha ka laabteen in madaxtooyada Soomaaliya ay wakiiladeeda u xulato maamulada loo dhisayo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka.

AMISOM oo ah ciidamo Wadamo Afrikaana ay u keeneyn Soomaaliya si ay u gaarsiiyaan Soomaaliya amni sugan oo la isku haleyn karo ayaa u xuubsiibtey ciidan ilaalo ah oo u jooga Soomaaliya iney isku kooban ilaalinta madaxda shisheeyaha, kuwa Soomaalida, iyo gaarahaan socodsiinta danaha siyaasadeed ee Midowga Yurub iyo wadamada deriska. Shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadaatey in AMISOM ay qeyb ka tahay amnixumada lagu hayo Soomaaliya kadib markii ay qeyb ka noqdeen ciidamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo ay diidanayeen shacabka Soomaaliyeed iney dalkooda soo galaan, islamarkaasna aan dalka ku joogin ogolaasho ay ka heystaan xildhibaanada baarlamaanka, inkasto ay ogolaasho ka haystaan madaxda sare ee dalka.

Shacabkii gobolada oo rabitaankoodu ahaa iney soo doortaan madaxdooda degaanka waxey arkeen wakiilo ka socda kooxda madaxtooyada oo maamulka dowladaha goboladooda la wareegey, kuwaas oo aan marna ka shaqeyneyn maslaxada dadka degaanka, laakiin awoodooda ugu adeegaya danaha istraatijiyadeed oo ay leeyihiin kooxdaas, kuwaas oo salka ku haya sidii doorashada 2016ka ay ugu guuleysan lahayeen iney dalka oo dhan afgembi ku wada qabsadaan, xukunka dalkana si buuxda ay gacanta ugu wada dhigi lahayeen.

Ciidanka Xooga Dalka waxey la kulmeen in lagu maamulo dhaqankii maleeshiyaadka beelaha ama shisheeyaha loogu adeejinayo qaab ku saleysan calooshooda u shaqeystayaal. Waxey waayoarag u soo joogeen in iskudhafka ciidanka uu shaqeyn waayey waayo hal beel ayaa tiradii ciidanka la tababarayey buuxisey wixii boosasa oo ka banaana,taas oo dhalisay in madaxdu si toosa ay u amradaan maleeshiyaadkooda ku dhexjira ciidanka iyagoo aysan ka warheyn saraakiisha sare ee ciidanka. Saraakiisha ciidanka waxaa u cad in ujeedada laga leeyahay maleeshiyaadkaas la huwiyey magaca ciidanka qaranka iney tahay in lagu ilaalsado xukunka, laguna caburiyo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda. Waxaa hadda ka dhexguuxaya maskaxda saraakiisha ciidanka ineysan noqon kuwo loo adeegsado burburinta isbaheysyada siyaasiyiinta mucaaradka ama gadoodyada ka iman kara shacabka Soomaaliyeed oo wadiniyadooda lagu xaqiray dalkooda gudihiisa.

Sanadka cusub ee 2016ka waxaa isbedeley fikirka dadka intiisa badan, kaas oo abuuray welwel iyo walaac ay ka qabaan madax badan oo dalka ka geystey dembiyo iyo kutakrifal awoodeed iney dib ugu soo laabanayaan xilalkooda, waxaana gudaha iyo dibeda dalka ka kala socda dadaalo isbiirsaday oo lagu doonayo in dalka uu ka dhaco isbedel horseeda inaan dib loogu noqon hogaanxumadii ay ka dhalatay gaboodfalka iyo boobka hantida qaranka. Waxaa muujinaya iney soo iftiinto isbedel dhaca inuu qasab yahay biseylka siyaasadeed ee ka dhex curtay meelo badan oo ka mid ah dalka iyo ismaandhaafka ka dhexjira madaxda dalka oo ka soo dhexbaxaya wakhtiga isbedelaya.

Wax qabad la’aan gacmaha ka xirixirtay wakiilka Qaramada midoobey waxey dhalisay in isbedel ku yimaado horjoogihii Soomaaliya wakiilka uga ahaa Qaramada Midoobey, taas oo jidka u xaareysa roadmap cusub oo lagu xaaqayo damaca kooxda madaxtooyada oo malo-awaalkoodu siiyey iney hanteen bulshada caalamka iyo ineysan soo noqoshadooda aysan wax cabsiya ka qabin. Isbedelka ku yimid wakiilka cusub warbaa la socda !!!

Xildhibaanada baarlamaanka awoodoodii waxaa diriqsaday Madasha Wadatashiga Qaranka oo aan ku dhisneyn wax sharciya, waxeyna xeeladaas gelisey kacdoon xildhibaano badan oo rajo ka leh iney dib u soo noqdaan, laakiin hadda garwaaqsaday in haddii sidaan ay wax ku socdaan aysan ugu suurtogeleyn dib u soo laabashadoodu. Is khalaafka ku dhisan biseylka siyaasadeed oo baarlamaanku uu dib ugu soo ceshenayo awoodiisa siyaasadeed oo uu wakiilka uga yahay shacabka Soomaaliyeed waxey horseedeysa in dib loogu noqdo ku dhaqanka awoodaha dastuurka iyo meelmarinta sharciyada laga sugayey baarlamaanka oo xoojinaya hirgelinta dastuurka, sharciyada xisbiyada siyaasadeed, iyo meelmarinta habraaca ay u dhici lahayd doorashada 2016ka. Isbedelka ay baarlamaanku ku sameynayaan mowqifkooda siyaasadeed ee ku aadan doorashada 2016ka warbaa u wehliya!!!

Gobolada dalka ee loo abuuray madax wakiilo ka ah kooxda ka talisa madaxtooyada, kuwaas oo marka laga reebo cadoqatayaal, aan wax taageero ah ku lahayn shacabka degaanada ayaa waxaa ka abuurmaya ismariwaa hubeysan oo qoloba ay ku dooneyso in kooxda kele ay kuraastooda ku shubato. Dhibka ugu weyn wuxuu ka imanayaa Dhuusamareeb, Beledweyne, iyo Muqdisho oo dadkoodu aysan dooneyn in wakiilada madaxtooyadu ay u soo xulaan xildhibaanadooda, waxaana laga yaaba in ismaandhaafkaas ay ku soo biiraan reer Baydhabo oo aan ku qanacsaneyn sida loo majoxaabiyey maamulkooda. Isbedelka ka dhasha ismuquunintaas wacdaro ayaa la socda!!!

Siyaasiyiinta madaxabanaan oo intooda badan ah mucaarad waxey horay ugu hungoobeen baaqyo siyaasadeed oo ay talo ugu soo jeedinayeen madaxda dowladda, kuwaas oo aan la tixgelin oo aan dheg jalaq loo siin, waxeyna mucaaradka siyaasadeed bilaabeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogan oo lid ku ah kooxda madaxtooyada oo ka go’doonsan inta badan dibeda iyo gudaha, waxeyna ficiladooda siyaasadeed ay si toosa ugu bartilmaameysanayaan kulamada siyaasadeed oo sida isdabajooga ah uga dhexsocda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibeda iyo gudaha. Waxaan ka go’an siyaasiyiinta mucaaradka ah adeegsiga istraatijiyo xeeladeysan oo ujeedadeedu tahay ineysan meelmarin qorshaha ay kooxda madaxtooyadu la damacsan tahay iney ku afduubto doorashooyinka 2016ka ay ku raadineyso xukunka dalka iney dib ugu soo noqoto.

Ciidamada Xooga Dalka Ma lahan awood xoogan oo ay ku hakiyaan xadgudubyada madaxda dalka oo aysan dhab ka ahayn dhisida ciidan milateri oo cudud xoogan leh, waxaana ka dhexmuuqda saraakiil beelnimo lagu soo xulay oo darajooyin aysan u qalmin la hugiyey, kuwaas oo daacad u ah ku hawlgelida amarka madaxda beelahooda. Waxaa ciidaanka wada saameeyey mushaar la’aan iyo daryeelxumo caafimaad, waxeyna hadda dareemeen in ciidan sharafkiisu iyo xurmadiisu ay ku jirto marka ay jirto u adeegida maslaxada qaranka, waxeyna taas kaliftay in ciidanka dhexdiisa uu ka bilowday dhaqdhaqaaq looga soo horjeedo darajooyinka beenabuurka ah iyo daryeelxumada ciidanka, waxeyna marar badan dadaaladaas ku waayeen sarakiil indheergarada. Isbedelka maskaxeed ee ka dhexcuranaya ciidanka oo salka ku haya iney ka guuraan beeleysiga ciidanka oo ay u guuran ciidan qaran waa mid xoojineysa wakhtiga isbedelaya warka uu soo wado!!!

Xildhibaanadda kuma qanacsanaa in talooyinkooda laga tilaabsaday, bulshada caalamka kuma faraxsana in hantidooda lagu galo doorasho oo loo adeegsado dano shaqsiyadeed, shacabka Soomaaliyeed waa ka rajo dhigeen waxqabad muuqda iyo adeegyada dowladda oo ay ka helaan kooxda talada heysata, siyaasiyiinta aqoonta leh waxey diideen xulashada ku saleysan qof jecleysiga iyo caburinta mucaaradka, saraakiisha ciidanka waxey kala kulmeen niyad jab daryeelxumada ay kala kulmeen dowladda, intaas oo waxyeelood wadajirkoodu wuxuu dhalinayaa saansaan ah in wakhtiga isbedelaya uu la socdo akhbaaro cusub oo xambaarsan natiijooyin ka duwan waxa la filayo iney dhacaan.

Shirka Kismaayo oo ah furaha isbedelka wakhtiga isrogey ayaa waxaa ka soo baxaya mowjado xambaarsan hiilo qasbeysa siyaasad gadoon, wuxuuna hardanku u dhaxeeya kuwa ku shaqeysanaya habraaca 4.5 iyo kuwa federeraalka been-abuurka ah ku raadsanaya sami-qeybsi dulsaar leh (sedbursi). Waxaan shaki lahayn in dib u dhac, cagajiid, iyo isdhaleeceyn kadib uu shirku dib u bilaaban doono si ka duwan sida loogu talagalay, dhinacyada ishayana waxeysan fileyn ay ka soo bixi doonaan. Wakhtiga isbedeley war badan ayuu la hulaaban yahay ee bal aan dhowrno cida uu ka hiiliyo iyo cida uu u hiiliyo.

dr-siciidDr. Saciid Ciise Maxamud(SACIM)

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment