978 Views

booliiska oo caawa soo bandhigay rag burcad ah iyo hubkii ay wateen lagu Qabtay degmada Dayniile

booliiska  oo  caawa soo bandhigay rag burcad ah iyo hubkii ay wateen lagu Qabtay degmada Dayniile
____________________________________________________________________________

]Sabti: july 24 2021

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa caawa soo bandhigay rag burcad ah iyo hubkii ay wateen, kuwaasi oo laga soo qabtay iyaga oo dhac ka geysanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ku-simaha Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in raggaan ay saaka dhexdooda ku dagaalameen isgoyska Ex-Kontrool Afgooye, ka dib khilaaf soo kala dhex-galay.

Sidoo kale Gaashaan Cabdifitaax ayaa sheegay in raggaan tiradoodu tahay 9 ruux oo saddex dhaawac tahay, ay ciidamada booliiska ka soo qabteen goob ay isugu tageen.

Gaashaanle Cabdifitaax, ayaa tilmaamay in raggaan la hor-geyn doono maxkamada awooda u leh si caddaalada ay u maraan.

Tillaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli raggaan burcadda ah ay saaka isgoyska Ex-contorool Afgooye is-rasaaseyn ku dhexmartay, ka dib khilaaf soo kala dhex galay, iyadoona laba ruux oo ay hooyo waayeel ah ku jirto ku geeriyoodeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post