1512 Views

Musharax Madaxweyne oo u dhintey Cudurka Covid 19

Musharax Madaxweyne oo u dhintey Cudurka Covid 19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22da Maarso, 2021Murashax madaxweyne wadanka Congo-Brazzaville ayaa dhintay saacado kadib markii la xiray goobaha codbixinta isagoo u dhintey cudurka Covid-19.

Guy-Brice Parfait Kolelas ayaa ku dul dhintay diyaarad caafimaad oo ku sii jeeday dalka Faransiiska, sida uu sheegay agaasimihiisa ololaha doorashada.

Saacado ka hor 61 jirkaan ayaa ka soo muuqday muuqaal video ah oo uu kula wadaagay baraha bulshada taageerayaashiisa, isagoo iska saaray maaskaro waxana uu u sheegay taageerayaashiisa inuu la dagaallamayo geerida.

Wuxuu ku booriyay inay u codeeyaan codbixinta Axada. Sharciga doorashada ma baabi’inayo doorashada haddii mid ka mid ah musharrixiinta uu dhinto.

Mr Kolelas, oo qaba cudurka macaanka, wuxuu ka mid ahaa lix murashax oo la tartamayey madaxweyne Sassou Nguesso, oo 77 jir ah, oo xukunka hayey ilaa 1979, marka laga reebo muddo shan sano ah kadib markii looga adkaadey doorashadii 1992.

Congo-Brazzavile waxay si rasmi ah u diiwaan galisay in ka badan 9,000 oo kiis oo ah Covid iyo 130 dhimasho ah.

Mr Kolelas ayaa seegay dhacdadiisii ugu dambeysay ee ololihiisa jimcihii ka dib markii uu maalin ka hor sheegay inuu ka baqayo inuu qabo cudurka duumada, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Waxaa la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Brazzaville, waxaana markii dambe la xaqiijiyay inuu haayo cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’.

Isaga oo ku hadlaya luuqada Faransiiska xilli uu saarnaa sariirta isbitaalkiisa, Mr Kolelas wuxuu yiri: “Walaalahayga qaaliga ah, waxaan ku jiraa dhibaato. Waxaan la dagaalamayaa geerida. Sikastaba, waxaan idinka codsanayaa inaad u istaagtaan oo aad u codeysaan isbadal. Uma aanan dagaalami lahayn wax aan jirin.”

Mr Sasou Nguessou wuxuu ka adkaaday Mr Kolelas doorashadii ugu dambeysay ee 2016, wuxuu helay 60% codadkii la dhiibtay halka ninka la tartamayay uu helay 15%.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post