732 Views

Puntland oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Coronavirus ah

Puntland oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay kiisaskii ugu badnaa  ee Cudurka coronavirus oo  maalmihii la soo dhaafay laga diwiaangeliyay degaannada Dowlad Goboleedka Puntland.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 5-tii maalin  ee ugu dambeeysay Soomaliya la baaray 2,704 Ruux, isla markaana Cudurka COVID-19  laga helay 157 qof oo dad ugu badan ay ku sugan yihiin degaannada Maamulka Puntland.

Dadka Cudurka lag helay ayaa waxaa ay kala nool yihiin, Puntland 134 Ruux, Soomaaliland 20 qof, Galmudug 1 qof  halka laba Ruux kaliya ay ku sugan yihiin Gudaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala yihiin 98 rag ah iyo 59 Dumar ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 64 qof mana jirin wax dhimasho ah oo Soomaaliya ka dhashay Cudurka Coronavirus Todobaadyadii la soo dhaafay,waxaana tirade Guud ee dadka Soomaaliya laga helay COVID-19 ay gaartay  3,745


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post