723 Views

Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso oo lagu dilay 30 maleeshiyaad ah

Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso oo  lagu dilay 30 maleeshiyaad ah
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso  ayaa lagu dilay 25 maleeshiyaad ah, kuwaas  soo  weeraray  xero ay ciidamada militariga dalkaasi ku lahaayeen  magaalada Belacoca ee waqooyiga dalkaas.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalkaas, sarkaal ka tirsan dowladda ayaa yiri: “Kooxo hubeysan oo watay  20 mootooyin  ayaa  weerar ku soo qaaday  xero ciidamada difaaca oo ku taal soohdimaha xuduudka dalkaasi kala dhexeeya  ee  Mali iyo Niger.

Laamaha amniga   Burkina Faso ayaa sheegay in ay  dileen 17 dagaalyahan , halka 5 ka mid ah ciidanka  Difaaca Madaniga ah oo ka barbar dagaalamaya ciidamada malitariga  ay ku dhinteen  weerarka oo dhacay waqooyiga dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post