1107 Views

Baxsadka Kanada loogu doonista badanaa oo la soo xiray

Baxsadka Kanada loogu doonista badanaa oo la soo xiray
____________________________________________________________________________


khamiis: April 28, 2022

Abilaziz Mohamed,oo ay aad doondooneysay dowladda Kanada, ayaa la xiray ka dib markii la helay xog aan la shaacin oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay, saacado kadib markii la bilaabay ololaha (Be on the Lookout (BOLO) oo loo jeedo oo aad uga feejignaada.

barnaamijka BOLO Abaal-marin lacageed oo dhan 250,000 oo dollar ugu yaboohay cidii soo sheegta ama sababta xadhiga Maxamed,si dadka loogu dhiirigaliyo inay Booliska usoo sheegaan hadii ay arkaan ninkan baxsadka ah.

Maxamed ayaa waxaa baadi goobayay booliiska Toronto waxaana lagu soo eedeeyay in uu dilay Craig MacDonald oo 43 jir ah kaasoo ku dhashay Magalaadda Toronto.

Taliyaha booliiska Toronto James Ramer oo ka hadlay xariga Abilaziz Mohamed ayaa aad soo dhaweeyay in ninkan oo ay muddo badan baadigoobayeen gacanta lagu soo dhigo.

`Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post