1050 Views

Israa’iil iyo Hindiya ma waxay rabeen inay burburiyaan nuclear-ka Pakistan?

Israa’iil iyo Hindiya ma waxay rabeen inay burburiyaan nuclear-ka Pakistan?
____________________________________________________________________________

Jimco: july 30 2021

Isbuucan waxaa la xusayay soo afjariddii dagaalkii Kargil ee dalalka Hindiya iyo Pakistan dhex maray intii u dhaxeysay bilihii May iyo July ee sanadkii 1999-kii.

Isku dhacaas khasaaraha geystay, oo ka qarxay degmada Kargil ee gobolka Kashmir, ayaa istaagay 26-kii bishii July kaddib markii uu socday ku dhawaad labo bilood.

Xilli lagu guda jiray xasuusta dagaalkaas, waxaa muddooyinkan dhinaca online-ka lagu hadal hayay arrin ku saabsan in ay Hindiya isku dayday sidii ay Israa’iil uga kaashan lahayd habkii ay uga adkaan lahayd Pakistan.

Dadka qaar ayaa xitaa is weydiinaya su’aal ku saabsan in Hindiya iyo Israa’iil ay rabeen inay burburiyaan hubka nuclear-ka ee ay heysato Pakistan.

Horay waxaa usii jirtay sheekada ku saabsan in diyaarad dagaal oo ay Israa’iil leedahay ay burburisay warshaddii nuclear-ka ee dalka Ciraaq.

Afartan sano ka hor ayuu dhacay howlgalkaas oo ay Israa’iil ku magacowday “Operation Opera”, waxaana loo adeegsaday diyaaradda militariga ee loo yaqaanno F-16.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa soo tabiyay in Israa’iil ay sheegtay in “haddii aysan weerarkaas fulin lahayd ay Ciraaq awood u yeelan lahayd hubka nuclear-ka”.

Nuclear-ka Pakistan xitaa ma la weerari rabay?

Hadal heynta la isla dhex marayay ayaa muujinaysa in khubarada dhinaca hubka ay aaminsan yihiin in Hindiya ay lumisay fursad ay Pakistan uga hor istaagi kartay helitaanka hubka wax gumaada ee nuclear-ka, sida ay qortay BBC-da laanteeda af Hindiga.

Hase yeeshee su’aasha ugu wayn waxay ka taagan tahay, Israa’iil diyaar ma u ahayd in ay caawiso Hindiya?

Sidoo kale su’aalaha ku gedaaman arrintan waxaa ka mid ah; Howlgalkan ma waxaa laga fulin rabay dhulka Gujarat? Hindiya ma waxay iska khasaarisay fursado badan oo ay Pakistan uga celin kartay sameysashada nuclear-ka? Israa’iil miyey daneyneysay inay burburiso warshadda nuclear-ka ee Pakistan?

Dadka ayaa fikrado iska soo horjeeda ka qabay jawaabaha su’aalahan markii hore, balse hadda ayaa mar kale la hadal hayaa dhammaan su’aalahaas.

Muxuu ahaa qorshihii lala damacsanaa Pakistan?

 

Xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay Hindiya sanadkii 1975-kii, kaddib markii xisbiga Koongareeska looga adkaaday doorashadii guud, markii ugu horreysayna uu talada dalka la wareegay xisbi aak koongarees ahayn.

Dowladdaas waxay si buuxda u hoos tageysay hoggaamiyihii reer Gujarat ee la oran jiray Morarji Desai.

Desai wuxuu aaminsanaa in wixii ka dambeeyay dagaalkii ay la galeen Pakistan ee 1971-kii ay hay’adda sirdoonka Hindiya ee magaceda loo soo gaabiyo RAW ay dabagal ku heystay madaxda dalkiisa ee uu isagu ka mid yahay.

Sidaas awgeed, markii la abuuray dowladdii xisbiga Janata, Morarji Desai wuxuu yareeyay miisaaniyaddii la siin jiray hay’adda RAW, wuxuuna ka jaray 30%.

Taas waxaa sii dheereyd in Hindiya ay howlgal qarsoodi ah u billowday si ay Pakistan uga hor istaagto inay hesho awoodda nuclear-ka.

Maqaal uu sanadkii 2018-kii qoray wargeyska arrimaha Gaashaandhigga ee Pakistan ayaa lagu sheegay in 2sanadkii 1977-kii uu mid ka mid ah sirdoonka hay’adda RAW helay sir ku saabsan warshadda nuclear-ka Pakistan ee ku taallay magaalada Kahuta, uuna dalbaday toban kun oo doolar si uu ugu wareejiyo Hindiya.”

“Markii uu arrintan ka war helay Ra’iisul Wasaarihii Hindiya, Morarji Desai, wuxuu soo wacay taliyihii militariga Pakistan, Janaraal Zia-uk-Haq, wuxuuna u sheegay inay og yihiin in ay bambooyinka atoomiga ku sameysanayaan magaalada Kahuta.”

“Islamarkiiba baaritaan ayay Pakistan sameysay waxayna gacanta ku dhigtay askarigii ka tirsanaa RAW ee sirta hayay, si uusan xogta u siinin Hindiya.”

Laakiin RAW waxay dowladda Hindiya u sheegtay in Pakistan ay billowday dhismaha warshad nuclear ah, sidaas darteedna RAW waxay xubno ku yeelatay gudaha Pakistan.

Howlgalkii qarsoodiga ahaa waxay RAW ku ogaatay in warshadaas ay ku taallo meel ka mid ah magaalada Kahuta oo u dhow caasimadda Islamabad.

Si xogtaas loo xaqiijiyo, xubnihii RAW waxay soo qaadeen tijaabooyin timo laga jaray seynisyahannadii reer Pakistan oo dhex yaallay meherad tima-jare ah oo ay tagi jireen.

Timihii ayaa baaritaan loogu diray Hindiya, waxaana laga helay calaamado muujinaya shucaaca nuclear-ka, taasoo ka dhigan in dadka laga jaray timahaas ay ku howlanaayeen sameynta hubkaas.

Kaddib markii macluumaadkaas la ogaaday, Hindiya waxay billowday howlgal qarsoodi ah oo ay ku raadinayso xogtii daabacnayd ee tilmaamaysay goobta ay ku taallo warshadda Kahuta.

Xilligaas markii la gaaray, Indira Ghandhi ayaa noqotay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, hay’adda RAW-na waxay billowday inay ka hoel gasho arrimaha Kahuta.

Hindiya waxay doonaysay in ay warshadda nuclear-ka Pakistan ee ku taallay Kahuta u burburiso isla sidii ay Israa’iil u burburisay warshaddii nuclear-ka ee Ciraaq, markii uu dhismaha ku socday.

Israa’iil ma siisay caawinaad?

 

Sida laga soo xigtay askari howlgab noqday oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka Hindiya, “halka ugu muhiimsan ee ay diyaarad ka timid dalalka Khaliijka kasoo gali karto hawada Hindiya waa magaalada Jamnagar ee ka tirsan gobolka Gujarat. Taasi waa sababta diyaaradaha ay Hindiya kasoo iibsato dibadda looga soo galiyo khadkaas.”

Wariyeyaasha lagu kala magacaabo Adrian Levy iyo Catherine Scott Clark ayaa sheegay in Pakistan, Mareykanka iyo hay’adda nuclear-ka caalamka ay sheegeen in Hindiya ay qorsheyneysay weerar ay ku qaaddo warshadda nuclear-ka Pakistan ee Kahuta, iyadoo caawinaad ka heleysa diyaaradaha loo yaqaanno Jaguar.

Bishii February ee sanadkii 1983-kii, saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Hindiya ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagay Israa’iil. Inta ay ku sugnaayeen halkaas, saraakiisha militariga Hindiya waxay isku dayayeen inay ogaadaan sida lagu heli karo qalab lagu heli karo xogta rasmiga ah ee ku saabsan qaabka loo sugayo amniga warshadda Kahuta.

Israa’iil waxay Hindiya siisay macluumaad dhanka farsamada ah oo ku saabsan diyaaradaha F-16 ee ay leedahay Pakistan.

Islamarkaas, Hindiya waxay dhankeeda Israa’iil xogtaas uga baddalatay macluumaad ku saabsan diyaaradaha MiG-23. Israa’iil ayaa u baahnayd xogtaas ku saabsan diyaaradaha uu sameeyay midowgii Soviet, maadaama ay isticmaalayeen dalalka Carabta ee dariska la ah.

Bharat Karnat, oo ah falanqeeye sare oo dhanka amniga ah, ayaa buug uu qoray ku yidhi; “Waxaan magaalada Beyruut kula kulmay Aarin Yariv, oo ahaa taliyihii caanka ahaa ee hoggaaminayay sirdoonka Israa’iil, ee howlgabka noqday, sanadkii 1983. Wuxuu ii sheegay xog ku saabsan arrintan.”

Sida uu qorshaha ahaa, lix diyaaradood oo noocoodu yahay F-16 iyo lix kale oo noocoodu yahay F-15 ayaa loogu talogalay inay fuliyaan howlgalka lagu burburin rabay warshadda nuclear-ka ee Pakistan. Diyaaradahaas ayaa la qorsheeyay inay kasoo duulaan garoonka Haifa ee ee gudaha Israa’iil, ayna ka cago dhigtaan garoonka magaalada Jamnagar, iyagoo sii dul maraya badda carbeed ee dhinaca koonfurta.

Halkaas marka ay gaaraan, duuliyeyaasha diyaaradahaas iyo askarta kale ayaa ku nasan rabay si ay qorshahana wax uga sii toosiyaan.

Wuxuu falanqeeya qoray; “Inta ay howshaas socotay, Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay Israa’iil, nooceeduna yahay C-17, ayaa loo xil saaray in ay waxyaabo qarxa iyo qalab kale ka dajiso garoonka Udhampur ee Jammu iyo Kashmir. Diyaaradda F-16 ayaa la qorsheeyay inay kasoo dusho Jamnagar ayna gaarto Udhampur iyadoo hawada kusii qaadanaysa shidaalka.”

“Halkaas marka ay ka baxaan diyaaraduhu waxay ka badbaadi lahaayeen qalabka raadaarka ee ku rakiban xadka Pakistan, iyagoo sii dul maraya dhul buuraleey ah. Marka ay kasoo baxaan buuraleeyda, labo diyaaradood oo F-16 ah ayaa bambooyin ku tuuri lahaa warshadda nuclear-ka ee Kahuta.”

“Inta ay howshaas socoto, diyaaradaha noocoodu yahay F-15 ayaa hawada ka difaaci lahaa haddii ciidamada cirka ee Pakistan ay isku dayaan inay tallaabo qaadaan. Marka uu weerarka dhaco kaddib, diyaaradaha F-16-ka ah waxay dhinaca galbeed uga bixi lahaayeen hawada Pakistan. Iyagoo joog hoose ku duulaya ayay dib ugu noqon lahaayeen dhulka buuraleyda ah, halkaasna diyaaradaha Pakistan kuma eryan kari lahayn diyaaradaha Israa’iil ee buuraha ku dex jira.”

Bharat Karnat oo ka sheekeynaya xogtii uu ka helay taliyihii sirdoonka Israa’iil, ayaa sidoo kale qoray; “Israa’iiliyiintu waxay aaminsan yihiin in Hindiya ay diidday inay ku lug yeelato weerarkaas. Sababtaas ayay Israa’iil u oggolaatay in diyaaradahaas ay ka muuqdaan calaamadaheeda. Israa’iil waxay rabtay in Hindiya ay ka qayb qaadato weerarkaas.”

Siduu ku fashilmay howlgalkii lagu burburin rabay warshadda nuclear-ka Pakistan?

 

Dr. Rajesh Rajagopalan, oo ah barfasoor wax ka dhiga jaamacadda Jawaharlal Nehru, ayaa BBC-da ku yiri: “Waxaa jiray hadallo badan oo ku saabsanaa sida ay diyaaradaha Israa’iil uga cago dhiganayeen garoonka Jamnagar ee Gyjarat iyo weerarka lala damacsanaa warshadda nuclear-ka Pakistan ee ku taallay Kahuta. Xog goor dambe la dusiyay ayaa shaaca ka qaadday in Mareykanka uu soo faro galiyay qorshahaas. Midowgii Soviet ayaa sidoo kale ka walwalsanaa, inkastoo aan la ogeyn inuu hayay xog rasmi ah iyo inuu qiyaas ku socday toona. Marka ma jirto xog cad oo laga hayo arrintaas.”

Wargeyska Jerusalem Post ee fadhigiisu yahay magaalada Tel Aviv ayaa bishii February ee sanadkii 1987-kii shaaciyay in militariga Israa’iil ay Hindiya dhowr jeer kala hadleen weerar wadajir ah oo lagu qaado warshadda nuclear-ka Kahuta.

Sida uu sheegay Dr. Rajagopalan, Israa’iil aad bay ugu adkeyd in ay diyaaradaheeda soo maraan masaafahaas dheer ee u dhaxeeya Israa’iil ilaa Jamnagar, haddana ay wali is qariyaan.

Israa’iil waxay ka cabsi qabtay in haddii ay Pakistan hesho hubka nuclear-ka ay gaarsiin doonto waddamada Ciraaq, Liibiya iyo Iiraan.

Seynisyahanka Pakistan ee hubka nuclear-ka, Abdul Qadeer Khan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu tiknoolojiyadda macdanta uranium-ta ka iibiyay shirkado ka tirsan Midowga Yurub, Iiraan, Liibiya iyo Kuuriyada Waqooyi.

Sida ay muujiyeen warqado xog ah oo la helay, safiirkii Mareykanka u fadhiyay Pakistan ayaa hoggaamiyihii xukunka militariga ku heystay Pakistan, Janaraal Zia-ul-Haq, u ballan qaaday in uu Mareykanku la wadaagi doono haddii uu helo xog ku aaddan in Hindiya ay weerar la damacsan tahay warshadda Kahuta.

22-kii bishii September ee sanadkii 1984-kii, ku xigeenkii agaasimaha waaxda sirdoonka Mareykanka (CIA) ayaa saraakiil sar sare oo u dhashay Pakistan ku war galiyay in Hindiya ay weerar xagga cirka ah ku qaadi karto Pakistan.

Markii ay warbaahinta shaaciyeen xogahaas waxaa la aaminsan yahay in dalalka reer Galbeedka ay cadaadis saareen Hindiya, taasoo sababtay in Ra’iisul Wasaarihii Hindiya ay baajiso qorshaha oo dhan.

Hal bil kaddib waqtigaas, oo ku beegneyd 31-kii bishii October, 1984-kii, Mrs. Indira Gandhi waxaa dilay waardiyeyaasheeda, waxaana xilkii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya lagu wareejiyay wiilkeeda Rajiv Gandhi.

  • BBC Abdishakur Asowe

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post