909 Views

Kenya oo mamnuucay in la isku imaado shaqalaha Dowlada fartay in ay guryaha ku shaqeeyaan.

Kenya oo mamnuucay in la isku imaado shaqalaha Dowlada fartay in ay guryaha ku shaqeeyaan.
____________________________________________________________________________

Sabti: july 31  2021

Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe, ayaa sheegay Jimcihii  shalay in dowladda Kenya ay joojisay dhamaan kulamaddii ay dadka isugu imaan jireen, si loo  xakameeyo faafista xanuunka COVID-19 oo hadda Faraciisa Delta uu ku soo xoogeystay gudaha Kenya.

Wasiirka oo shacabka dalkiisa kala hadlay Muuq baahiyaasha ka hawlgala gudaha Kenya ayaa sidoo kale ugu baaqay hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay shaqaalahooda u ogolaadaan inay guryaha ka soo shaqeeyaan.

“Dhammaan isu imaatinnada dadweynaha iyo shirarka shaqsiyeed nooc kasta oo ay tahayba waa la hakiyay waddanka oo dhan,  Hey’adaha dowladaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay waa in ay ilaaliyaan bad qabka Shaqaalaha,” ayuu yiri Wasiirka.

Mowjadaha xanuunka COVID-19  ayaa smarkale ku qasbay Kenya inay dib u soo rogto tallaabooyin adag oo qayb ka ah xannibaadda.

Ilaa Khamiistii, Kenya waxay diiwaangelisay 200,109 xaaladood oo la xaqiijiyay COVID-19 , sido kale dhimasha ayaa gaartay 3,910 qof, xogta wasaaradda caafimaadka ayaa muujisay korarka sii lixaad sanaya ee xanuunkan.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa horay u tallaashay 1.7 milyan oo qof, oo u badan dadka da’da ah iyo Shaqaalaha sama falka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post