936 Views

Dagaal saakay ka socda xaafada Madaari ee islii iyo Ciidamada Kenya oo dagaal kala hor tagay dad halkaas isku dilayay.

Dagaal  saakay ka socda  xaafada Madaari ee islii iyo Ciidamada Kenya oo dagaal kala hor tagay dad halkaas isku dilayay.
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Madaari oo ay dagan yihiin dadka sida aadka ah magaalada Nairobi Noloshooda u hooseyso gaar ahaan Tuugada ayaa sheegaya in saakay uu halkaas ka socdo iska hor imaad xooganoo u dhaxeeya Ciidamada amanka Kenya iyo shacabka halkaas dagan.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka ka socdo xaafada Madaari uu bilaawday kadib Markii Reero halkaas dagan ay dhex martay dagaal, waxaana markii Danbe soo fara galiyay Ciidamada amaanka Kenya.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa rasaas Nool nool iyo Sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsanaya sidii ay u kala Carin lahaayeen dadkaas oo isku adeegsanaya baangado iyo Mindiyo.

Sidoo kale xaafada Madaari ayaa caan ku ah in mar kasta uu dagaal ku dhex Xamro Ciidamada amaanka Kenya iyo dadka dagan oo ah dad aad u dhibadan una badan Tuugo iyo dadaan wax haysan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post