1257 Views

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo shaaciyay guddiga sare ee warbaahinta Puntland

Wasiirka Warfaafinta  Puntland oo  shaaciyay guddiga sare ee warbaahinta Puntland
____________________________________________________________________________

.

May 18 2021


Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde), ayaa maanta oo Taalado ah shaaciyay guddiga sare ee warbaahinta Puntland.

Dikreeto uu soo saaray wasiir Tima-cadde, ayuu ku shaaciyay xubnaha guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo ka kooban 7 xubnood.

Magacyada xubnahan ayaa kala ah Maxamed Ciise Cismaan, Maxamed Nuur Shire, Fartuun Cali Liig, Daahir Cabdulqaadir Axmed, Siciid Axmed Faarax, Cabdiqani Maxamed Cali iyo Cabdirisaq Max’ed Faarax.

Xubnahan ayaa laga soo kala xulay ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, wasaaradda Warfaafinta, Ururada bulshada Rayidka PUNSAA, Wasaaradda Waxbarashada iyo Qareennada madaxa-bannaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post