1677 Views

Kenya oo heshay xog ku saabsan weeraro Nairobi Shabaab ka fulin rabaan

Kenya oo heshay xog ku saabsan weeraro Nairobi Shabaab ka fulin rabaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 28 2018 —Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay heshay xog ku aadan goobo ku yaalla Magaalada Nairobi oo ay qorsheeyeen Ururka Al-Shabaab in ay ku qaadaan Weeraro.

Dowladda ayaa sheegtay in Muddo dheer ay ka shaqeynayaan helidda xogtaasi ciidamada Sirdoonka iyo Booliska dalka Kenya.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ragga ka tirsan Al-Shabaab ee qorsheynaya weerarkaas uu hoggaaminayo Ahmed Harith Mahmoud, kaas oo saaxiib dhaw la, ah Ahmed Iman Ali, oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-Shabaab una dhashay Kenya.

Dowladda waxa ay sheegtay in heegan Sare la geliyay Ciidanka  la dagaallanka Argagixisada ee Nairobi  waxaana ay sugayaan ammaanka magaalada.

Ciidamada ayaa helay Warqad ay ku qoran yihiin goobaha la doonaayay in la weeraro, waxaana halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah.

Joseph Boinnet Taliyaha Booliska Kenya , ayaa sheegay in warqadda la helay ee xogtan ay ku qoran tahay ay been abuur noqon karto laakiin haddana aysan dhayil saneyn Hay’adaha ammaanka.

Meelaha Hay’adaha Sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto, iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment