1023 Views

SAWIRO: Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo qaabilay ergayga gaarka ah ee Norway ee Soomaaliya

SAWIRO: Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo qaabilay ergayga gaarka ah ee Norway ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 4, 2021:-Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Norway Marwo Heidi Johansen iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda Norway.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray xiriirka labada dal, Arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo maalgashiga shisheeye.

“Waxaan saaka qaabbilay ergayga gaarka ah ee Norway Marwo Heidi Johansen. Waxaan ka wada hadalnay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin; doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo maalgashiga shisheeye. Waxaan bogaadinayaa iskaashiga iyo taageerada Norway ee Soomaaliya, waxaana rajaynayaa in uu mustaqbalka sii xoogaysto” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska warfaafinta Musharax Daahir Geelle.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa taageerada ay dowladda Norway ay siiso Soomaaliya.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post