939 Views

Hay’ado Caalami ah oo balan qaad u sameeyey Soomaaliya

Hay’ado Caalami ah oo balan qaad u sameeyey Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 22 -2020—Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin kasocotay Hay’adaha UNSOM iyo UDNP ee wasaaradda ka taageerka dhanka farsamo ee bahda Caddaaladda.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya Caddaaladda iyo sidii loo xoojin lahaa horumarinta bahda Caddaaladda.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Avv Xasan Xaaji ayaa ku dhiirigaliyey sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Wasaaradda Cadaaladda, ayadoo warbixin gaar ah lagasiiyey halka ay marayso hanaanka Cadaaladda iyo Asluubta Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiinta ka socotay Hay’adaha UNDP iyo UNSOM ayaa balan qaaday inay garab taagan yihiin Wasaaradda Cadaaladda ayna siinayso taageerada farsamo ee ay u baahanyihiin, waxa ayna aad ugu hambalyeeyeen shaqada wacan ay ka qabteen Wasaaradda Caddaaladda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment