879 Views

Israel oo sheegtay in safiirka UAE u dalkas u Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada Israel

Israel oo  sheegtay in safiirka  UAE  u dalkas u Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada  Israel
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegtay in safiirka Imaaraatka u jooga Israel uu Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada Caqiidada Tawraat ee Israel .

Wargeys ku Hadla afka Wasaaradda Arimaha Dibeda ee Israel oo arrintan ka warramay, ayaa laga soo xigtay in Safiirku ka ducaystay Wadaadka ugu sarreeya Golaha Caqiiqada Tawraat-ka oo lagu magacaabo Shalom Cohen.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja iyo Raahibka ugu sareeya Caqiidada Tawreed uu ku saabsanaa Dardargelinta heshiisyadii Ibraahiimiyada , ugu Dambayntiina waxay is dhaafsadeen hadiyado.

Safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja ayaa ku casuumay Shalom Cohen oo ah Wadaadka ugu sareeya Golaha CaqiidadaTawraat inuu kasoo kaqeyb galo furitaanka Macbadka Saddexda Diimood ee Abraham ee Laga furayo Magaalada Abu Dubai.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post