882 Views

Booliska Hirshabelle oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Booliska Hirshabelle oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne
____________________________________________________________________________


Khamiis:March 24, 2022

Taliska Booliska Magaalada Baladweyne e ayaa Faahfaahino dheeraad ah waxaa ay ka bixiyeen qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Beledweyne Bashiir Cadaani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa koowaad oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, islamarkaana uu beegsaday Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa labaad oo ka dhacay afaafka hore Saldhiga Beledweyne uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana uu ku dhintay Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, siyaasiyiin, Askar iyo dad badan oo shacab ahaa, kuwaasi oo goobta ku sugnaa.


Bashiir Cadaani ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano, kaasi oo ay ku xaqiijinayaan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay dhacay, isagoona sheegay in dhibaato weyn ka dhacday Magaalada oo uu burburay Isbitaal guud ee Beledweyne.

Taliyaha ayaa sheegay inay jiraan dad howlgalo lagu qabtay oo ay ku wadaan baaritaano, isla markaana wixii faah faahin ah oo ku aadan baaritaanka iyo khasaaraha ay dib Warbaahinta ula wadaagi doonaan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post