696 Views

Mahdi Guuleed oo raali galin siiyay Raisal wasaare Rooble.

<strong>Mahdi Guuleed oo raali galin siiyay Raisal wasaare Rooble.</strong>
____________________________________________________________________________

 Hadalkii  Cabdi Xaashi iyo Boqor Buurmadow

Sabti: January 22, 2022

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa R/Wasaare Rooble ka raaligaliyey Hadalkii shalay  kasoo yeeray Siyaasiin iyo Odayaasha dhaqanka ee gobalada Waqooyi, wuxuuna sheegay in ay taageersan yihiin hanaanka doorashada ee R/wasaaruhu garwadeen ka yahay.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in ay raaligalin siinayaan Eng, R/wasaare Rooble.

“Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan odayeed midna ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino” ayuu yiri Mahadi Guuleed.



Hadalka Mahadi Guuleed ayaa daba socda, warkii maanta ee Boqor Buurmadow iyo xubno kale oo ka tirsan reer waqooyiga, kuwaas oo sheegay iney waayeen Cid Raable ceshata, kuna eedeeyeen inuu boobayo kuraasta Golaha Shacabka ee reer waqooyiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post