744 Views

Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Hargeysa

Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Hargeysa
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–Shilkana oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Isha gobka ee duleedka Koonfureed ee Hargeysa, waaxana shilkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid,kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid kamid ah ay la socdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland,waxaana shilkaasi ku dhintay laba Ruux oo mid kamid ah uu yahay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland oo lagu Magacaabo Gaashaanle Badel Xasan Qayl.

Wariyeyaal tegay goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in sidoo kale shirkaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo kala saarnaa labada gaari,isla markaana gawaarida uu soo gaaray burbur xoogan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay,kuwaas oo oo gurmad u sameeyay dadka shilka ku waxyeeloobay,kuwaas oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.

Maalin ka hor Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliland ayaa shaacisay in sanadkii tegay ee 2019 deegaannada Soomaaliland ay ka dhaceen shilal ay ku geeriyoodeen 200 oo Qof , 5000 oo qofna way ku dhaawacmeen,hanti ka badan laba Milyan oo doolar-na ay ku burburtay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post