1311 Views

SAWIRO:-Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Jowhar lana kulmay Madaxda Hir-Shabeelle

SAWIRO:-Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Jowhar lana kulmay Madaxda Hir-Shabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Magalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeell waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan , iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

 

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle

 

 

 

Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.

 

Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago Dowlad Goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment