933 Views

Milatariga Soomaaliya oo ay Al-shabaab ka saaray degaanada Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan Gobolka Baay.

Milatariga Soomaaliya oo  ay Al-shabaab ka saaray  degaanada  Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan Gobolka Baay.
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanka Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan Gobolka Baay.

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheikh Cabdullaahi (Ciirow), ayaa warbaahintu ka soo xigatay in Al-shabaab laga saaray degaanka Goofgaduud Shabeeley, kadib weerar qorshaysan oo Ciidamadu halkaas ka fuliyeen.

Taliye Ciirow, ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas Al-shabaab looga dilay ilaa 9 dagaallame, islamarkaana laga burburiyay saldhig ay ku lahaayeen degaankaas.

Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay, sheegashada Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku saabsan in Al-shabaab laga saaray degaanka Goofgaduud Shabeeley.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post