891 Views

Ninkan u dhasheySpain oo lagu xukumay 15 sano oo xarig ah markii uu diley hooyadii, ka Diana cuney

Ninkan u dhasheySpain  oo lagu xukumay 15 sano oo xarig ah  markii uu diley hooyadii, ka Diana cuney
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Ninkan u dhashey dalka Spain, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, ka gadaal markii uu diley hooyadii, ka dibna uu cuney iyadii lafteeda.

Alberto Sanchez Gomez, oo ah 28 sano jir, ayaa la xirey sannadkii 2019-kii, markii ciidanka booliisku ay ka heleen qeybo ka mid ah jirka hooyadii meel u dhaw gurigeeda, qaarkoodna ay ku jireen bac.

Maxkamad ayaa wax kama jiraan ka dhigtay dood soo gudbiyey Sanchez, taas oo ah inuu isku dhax yaac iyo qulub uu qaadey xiligii uu dilka ku kacey.

Haatan waxaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, iyo shan bilood oo uu usii xirnaanayo ku xad gudbidda jirka meydka hooyadii.

Booliiska ayaa yimid isla guriga, oo ku yaalla bariga Madrid, bishii February sannadkii 2019-kii, ka dib markii qof la ah qoyska saaxiib uu su’aal ka keenay badqabka Maria Soledad Gomez, taas oo ku jirta da’da lixdameeyo.

Arrinta mar kale warkan soo celisay, ayaa ah intii ay socotey maxkamadda, in Sanchez oo xiligaa ahaa 26 sano jir, wuxuu la murmay hooyadii, isagoo markaa ka dibna ceejiiyey.

Warbaahinta Spain ayaa sheegeysa in booliisku ay ogaayeen in ninkani marar badan hooyadii ay isku dhaceen, ka hor intuusan dilin wuxuuna jabiyey amar xanibaad oo saarnaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post