1065 Views

Duufaan koronto la’aan ka dhigtay in kabadan 900,000 Guri

Duufaan koronto la’aan ka dhigtay in kabadan 900,000 Guri
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —In ka badan 900,000 oo guri oo ku yaalla magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa saakay koronto la`aan ah, ka dib markii ay duufaanta Faxai ku dhufatay meel u dhow Tokyo.

 

Duufaantan oo saacaddii jareysa 210km ayaa ah mid ka mid ah duufaannadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta caasimadda Japan, muddo toban sano ah.

 

In ka badan 130 duullimaad ayaa la baajiyay, iyadoo xarumaha tareennaduna saacado ay xirnaayeen, kuwaas oo dadka saameyn ku yeeshay.

 

Korornto la`aanta ayaa saameysay in ka badan 910,000 oo qof oo ku nool Tokyo, sida warbaahinta dalkaasi ay ku warrantay.

 

Magaalada Kanagawa ayaa gebi ahaanba koronto la`aan ah, maamulka magaalada ayaana dadka uga digay inay dibadda u baxaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment