2109 Views

12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan sanadka 2018

12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan sanadka 2018
____________________________________________________________________________

Mac-hadka Global Firepower oo ka faallooda awoodda ciidamada iyo dagaalka ayaa daabacay warbixintiisa sanadlaha ah oo ku saabsan 12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan sanadka 2018, sida lagu sheegay warbixinta mac-hadka xoogga ciidanka waddamada sanadkan ugu horeeye adduunka waxa lagu qiyaasay kartida ciidanka, Qalabka iyo miisaaniyadda ku baxda sanadkii, iyada oo waddan walba la fiirinayey horumarka uu ciidankiisu ka gaaray dhinaca adeegsiga Teknolajiyadda.

Warbixinta Global Firepower ayaa lagu xusay in kala hormarinta dhinaca ciidanka ee waddamada loo cuskaday 55 walxood oo loo aqoonsaday in ay yihiin walxaha rogroga awoodda ama port-index ee waddan walba.

Mac-hadka ayaa sheegay in habka la raacay si loo kala hormariyo awoodda ciidamadu uu u ogolaanayo dhammaan dowladaha yaryar  haddii ay horumar fiican ka gaaraan dhanka Teknolajiyadda in ay la tartamaan dowladaha dhul ahaan bedka weyn ku fadhiya balse horumarkoodu yaryahay ama liitaba.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in nidaamka kala hormarinta ee loo adeegsaday ciidamada sanadkan 2018 ugu xoogga badan adduunku uusan ku xirnayn ama uusan muhiimad siin tirada hubka ee waddan walbaa hayto balse taas beddelkeeda waxa uu muhiimad siiyey nuucyada hubka uu waddanku haysto, tusaale ahaan lahaanshaha 100 Miino uma dhiganto qiimaha iyo tabaha ay leeyihiin 10 markab oo ah kuwa diyaaradaha xambaara.

136 dowladood ayaa warbixintu ku sheegtay in ay ku jiraan 10 ka waddan ee ciidamadoodu ugu xoogga badan yihiin adduunka, Masar oo kujirtay kaalinta 10aad ayaa hadda u dhacday kaalinta 12aad, waxa ayna booska 10aad ee ciidamada ugu xoogga badan dunida soo gashay sanadkii 2017.

Warbixinta Global Firepower ayaa lagu sheegay in aan muhiimad gaar ahaaneed la siin hubka awoodda Nukliyeerka, balse awoodda la islayaqaan ee saameysa hubkaas la fiiriyey sida sameyska dhulka Juquraafi ahana, sahlanaanta sahayda, ilaha rabbi sameega ah ee waddanku leeyahay iyo waxsoosaarka gudaha ah oo kalasaarid kama dambeys ah kuyeelan doonta natiijada ugu dambeysa ee kala saaridda xoogga ciidanka waddamada dunida oo dhan.

Waxa kale uu sheegay mac-hadku in aanay weli dhammaan doodda kusaabsan waddamada aan Badda lahayn sidaas awgeedna ay kamqan yihiin ciidamadaBadda oo kaalin weyn ku leh awoodda ciidan ee la qiimeynayo.

Global Firepower ayaa shaaciyey 12da ciidan ee adduunka ugu xoogga badan iyada oo lagu dhisayo awodda ciidan ee dowlad kasta lana adeegsanayo walxaha lagu qiimeeyo awoodda iyo kartida ciidanka sida

Fulinta iyo guulaha uu ka gaaro howlgalka
Kartida iyo awoodda ciidan ee uu leeyahay
Farsamada sameynta diyaaradaha iyo Gaadiidka dagaalka
Kooxaha Ciidanka badda.
Ciidamada keydka ee tababaran.
Ilha dhaqaale ee ciidanku leeyahay
Kheyraadka dadeed ee uu haysto

 

 

Soomaaliyeynta: Axmed C. Guutaale

Isha:Global Firepower + Aljazeera

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment