1125 Views

Cabsi la xiriirta fatahaada Wabiga oo ka taagan Sh/Dhexe

Cabsi la xiriirta fatahaada Wabiga oo ka taagan Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa xilligaan ka taagan cabsi ku aadan in uu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara qeybo badan oo kamid ah Gobolkaas.

 

Meelaha ugu daran ee cabsida ay ka jirto ayaa waxaa kamid ah Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle,waxaana socda qorshooyin looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeelle uu sameeyo.

 

 

 

Tuulooyin dhanka Bari ka xiga Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay inay ka jirto cabsida ugu daran,isla markaana badi dadkii deganaa Jiinka Wabiga ay ka barakaceen.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Xaaji Cabdulle ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle inay u istaagaan sidii looga hortegi lahaa fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in cabsi la mid ah tan ka taagan Magaalada Jowhar ay ka jirto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraa ,isla markaana meelaha qaar uu Wabiga karkaarada jabsaday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment