933 Views

Dowladda oo Bandowga wax ka bedeleysa Bisha Ramadaan

Dowladda oo Bandowga wax ka bedeleysa Bisha Ramadaan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 17 2020– Labadii habeen ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa saarnaa Bandow xilliyada Habeenkii ah oo ka bilaabanaya 8:00 fiidnimo kuna eg 5:00 Subaxnimo,waxaana dowladdu sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto Bandowga.

 

Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed  Xijaar ayaa sheegay in labadii habeen ee la soo dhaafay uu si rasmi ah  Muqdisho uga dhaqan galay Bandowga ay saareen,si looga hortago faafida Coronavirus.

 

Waxaa uu sheegay in Taliska Booliska Soomaaliya oo fiirinaya xaalada dalka iyo in la guda geli doono Bisha Barakeysan ee Ramadaan inay waxka bedeli doonaan Bandowga saaran Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan degmooyin kale oo ka tirsan dalka.

 

Ugu dambeyn Taliye Xijaar ayaa waxaa uu ugu baaqey Shacabka inay qaataan awaamiirta Dowladda,sidoo kale Ciidamada looga baahan yahay inay Shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment