1065 Views

Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxtinimada Galmudug oo manata Ku Eg v

Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxtinimada Galmudug oo manata Ku Eg v
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 27-2020—Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Afar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ee lagu tiriyo inay yihiin mucaaradka ayaa diidey inay is diiwaan geliyaan kaan qeyb galaan doorashada Galmudug ee ka socota Magaalada dhuusamareeb,hayeeshee waxaa is diiwaan geliyey laba musharax oo lagu tirinayo dhinaca dowladda.

Dhinaca Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa  soo dhoweeyay hanaanka uu ku socdo dhismaha Galmudug, iyaga oo uga mahad celiyay dowladda dadaalada ay ku bixineyso dhismaha Maamulka Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment