489 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanno

Madaxweynaha Jubbaland oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanno
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa afur iyo casho sharaf Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay Xildhibaannada Baarlamaanka ee dhawaan lagu doortay deegaan doorashada Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.

Munaasabadan waxaa ka qeybgalay labada Madaxweyne ku-xigeen ee Jubbaland, Guddoonka Baarlamaanka, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo dadweyne kala duwan oo munaasabadda lagu casuumay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay Xildhibaannada inay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

\Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post