855 Views

Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku qaabilay Samsam Ibraahim oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah

Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku qaabilay  Samsam Ibraahim  oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Marwo Samsam Ibraahim Cali oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah ee ka mid noqonaysa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Sanatar Samsam waxaa lagu soo doortay magaaladda Baydhabo ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada” ayuu yiri Madaxweynaha oo Sanatar Samsam ugu hambalyeeyey guusha ay ka gaartay doorashada

Doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ka socda inta badan dowlad goboleedyada dalka, marka laga reebo Hirshabelle.

Sanatar Samsam ayaa noqoneysa xildhibaankii ugu horeerey ee ka tirsan baarlamanka cusub ee Somalia oo la kulanta Madaxweynaha dalka oo ka mid ah msusharaxiinta u taagan doorashada Somalia.

Dhinaca kale. Madaxweynaha  Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qadka teefoonka kula hadlay  amiirka dowladda Qatar Shiikh Tamiim bin Xamad Al-thani, iyadoo ka wada hadlay xoojinta  xiriirka labada dal ,Arrimaha gobalka iyo caalamka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post