303 Views

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta oo markii ugu horrey fagaare ka soo muuqday tan iyo doorashadii Kenya 20 cisho ka hor

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta  oo markii ugu horrey fagaare ka soo muuqday tan iyo doorashadii Kenya 20 cisho ka hor
____________________________________________________________________________

 Khamiis: SEPTEMBER 1, 2022

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta ayaa markii ugu horeysay meel fagaaro ah ka soo muuqday tan iyo sagaalkii bishii dhamaatay ee Agoosto oo ay dhacday doorashada guud. Madaxweynaha ayaa la arkayay isaga oo ay hareera socdaan dad shacab ah oo qaarkood uu salaamayay.

Madaxweynaha ayaa aammusanaa tan iyo markii laga guulaystay murashixii uu taageerayay ee Raila Odinga, oo isaga natiijada ka horyimid isla markaana hadda ay socoto dhageysiga dacwdda uu ka gudbiyay natiijadaasi.

Raila waxaa doorashada kaga adkaaday William Ruto oo Uhuru u ah madaxweyne ku xigeen. Mr Kenyatta ayaa lagu arkay magaalo xeebeedka Mombaasa, labo maalin kadib markii barasaabka magaaladaasi loo doortay nin ka socday isbahaysiga Azimio.

Wuxuu u muuqday mid deggan oo xitaa ilaalada ammaankiisa sidii hore way ka yaraayeen.Waxaa la arkayay isaga oo gacan qaadaya dadweynaha waxaana barbar socday barasaabka guulaystay iyo kan laga guulaystay.

Madaxweyne Kenyaatta wali uguma hambalyayn ku xigeenkiisa Mr Ruto,guusha uu ka gaaray doorashadii dhacday bishii la soo dhaafay .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post