414 Views

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee 17 jirada oo maraya SCAN MRI si loo xaqiiyo da’dooda saxda ah

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee 17 jirada oo maraya SCAN MRI si loo xaqiiyo da’dooda saxda ah
____________________________________________________________________________

Addi Ababa | April 14, 2023 – Cayaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyed ee 17 jirada ah oo xalay gaaray dalka Ethiopia ayaa maanta la marsiiyay SCAN-ka MRI ee lagu xaqiijinayo in ay yihiin da’da saxda ah ee tartanka ka qeyb geli karta ka hor inta aanay usii gudbin dalka Algeria halkaas oo mar labaad baaritaan kama dambeys ah ay ku mari doonaan.

Natijada baaritaanka ayaa la rajeynayaa in ay soo baxdo berri oo Sabti ah, waxaana natiijadaasi ay go’aamin doontaa tirada kama dambeysta ah ee ciyaartooyda da’dooda saxda ah kuwaasi oo ka qeyb geli doona tartanka Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee 17-jirada.

Xulka Qarankeenna ayaa cayaarta ugu horeysa ee Africa U-17 Cup of Nations la cayaari doonta dalka Algeria 29-ka bishan.

Waxaan u rajeynaa in ay helidoonaan natiijo sax ah, waxaan kaloon u rajeyneynaa guul.

______________________________________________________________________________

Qaranimo Onlin

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post