888 Views

Dhibaatooyin heysta Dad ka barakacay fatahaada Beledweyne

Dhibaatooyin heysta Dad ka barakacay fatahaada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 07 2020–Waxaa Magaalada Beledweyne saacadihii ugu dambeeyay ka barkacay qoysas lagu qiyaasay 10;000 (Toban kun) oo qoys kuwaas oo inta badan ka barkacay xaafadaha Xaawo Taako laanta dhagax jibis, Kooshin iyo laanta kutibo,kuwaas oo gaaray deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Beledweyne.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhibaato dhanka nolosho ah ay heyasto dadkaasi barakacay,isla markaana aysan jirin wax gurmad ah oo dadkaasi ay ka heleen Maamulka Hir-Shabeelle.

Dhawaan Magaalada Beledweyne waxaa tegay Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo qiimeyn ku sameynayay halka uu ka fatahayo Wabiga iyo sidii loo joojin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Hir-Shabeelle ugu baaqay inaan indhaha laga dboolan waxa ka jira Beledweyne,isla markaana ay keenaan qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment