417 Views

Mareykanka oo ku dhawaaqay ku dhawaad ​​3 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo cusub oo la siinayo Ukraine

Mareykanka  oo ku dhawaaqay ku dhawaad ​​3 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo cusub oo la siinayo Ukraine
____________________________________________________________________________

Khamiis: 25 Agoosto 2022

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ku dhawaad ​​3 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo cusub oo la siinayo Ukraine, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sheegay in gargaarka looga golleeyahay in lagu caawiyo dalka inuu ka difaaco duulaanka Ruushka “muddo dheer” iyadoo dagaalku uu galay bishii toddobaad.

Bayaan ka soo baxay Mareykanka Arbacadii, ayaa lagu sheegay in xirmada $ 2.98bn ay u oggolaaneyso Ukrain  si ay u hesho nidaamyada difaaca hawada, “Nidaamka madaafiicda iyo rasaasta, nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn, iyo radar”.

Ukraine ayaa maanta u dabaal dageysa madax-bannaanideeda Midowgii Soofiyeeti ay ka qaadatay sannadkii 1991.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post