1041 Views

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka ganacsiga Turkiga & Afrika

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka ganacsiga Turkiga & Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Magaaalada Ankara ee wadanka Turkiga waxaa ka socda Shirka Caalamiga ah ee ganacsiga turkiga iyo Afrika kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda turkiga,waxaana ka qeyb-galay Xubno ka socda Soomaaliya.

 

Shirkaas oo Maalintii labaad galay ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb-galaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo,kuwaas oo maalma kahor gaaray Magalada Ankara ee dalka turkiga.

 

 

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa in dowladda Turkiga ay maalgashi ka sameyso wadamada Afrika,waxana goobjoog sidoo kale ka ah Ganacsato waaweyn oo u dhashay dalka Turkiga,kuwaas oo lahaa qaban qaabada ugu weyn ee Shirkas.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cisman Karaash ayaa sheegay in shirkaani ay faa’iido weyn ka helayaan Ganacsatada Soomaaliyeed,isla markaana uu muhiim u yahay kuwa doonaya maalgashiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment