2547 Views

Shabab Oo sheegay in Diyaarad aan Duuliye Lahayn ku Dhacday Duleedka Kismayo

Shabab Oo sheegay in Diyaarad aan Duuliye Lahayn ku Dhacday Duleedka Kismayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo  | QOL | January 31, 2018–Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ku dhacday duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Diyaaradda ayaa ku dhacday Degaanka Beerxaani oo 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland.

Al-shabaab,waxaa ay sheegeen in diyaaraddan ay leedahay Dowladda Mareykanka,iyada oo todobaadkii horena sidan oo kale ay diyaarad aan duuliye lahayn ku dhacday degaankaas.

 

Inta badan Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya waxaa ku dhaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,kuwaas oo ay leedahay Dowladda Mareykanka.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya ayaa sare u kacay Sanadkii la soo dhaafay iyada oo 34 weerar Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya sanadkii na dhaafay ee 2017.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Kismaayo

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment