846 Views

Howlgal Muqdisho laga sameeyay oo lagu soo qabtay dhalinyaro ciyaal weero ah

Howlgal Muqdisho laga sameeyay oo lagu soo qabtay dhalinyaro ciyaal weero ah
____________________________________________________________________________

Isniin: April 18, 2022

Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxay howgal qorsheysan ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyagoo kusoo qabtay dhalinyaro aad u fara badan oo lagu eedeeyay inay ka mid yihiin Ciyaal Weerada kuwaas oo dhibaato lixaad leh ku haya Bulshada degmadaas.

Howlgalkaan ka dhanka ah dhalinyaro ciyaal weerada waxaa qeyb ka ahaa Maamulka Degmada Dharkeenley iyo Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaas, kuwaas oo si wadajir ah degmada Dharkeenley kaga fuliyay howlgallo ka dhan ah ciyaal weerada.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa lagu soo qabtay horgooyaal ka tirsan dhalinyarada ciyaal weerada kuwaas oo dhamaantood ay la wareegeen laamaha Amaanka si sharci loo horgeeyo.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa fariin hanjabaad ah u diray dhalinyarada ku howlan wali falka Weerada, isagoo sheegay inay sii wado doonaan Howlgalada ka dhanka ah dhalinyaradaas.

Dhanka kale, Guddoomiye Guhaad wuxuu waalidiinta ku dhaqan degmada Dharkeenley ugu baaqay inay maamulka degmada iyo laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada iyo qabashadooda.

Ugu dambeyn, Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenleey Macalin Aadan oo isna dhankiisa hadlay, wuxuu waalidiinta dhalay dhalinyarada Ciyaal weerada ah uga digay in aysan ka daba imaan karin hadii laamaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigaan, maadama markii horeba ay ceshan waayeen, isagoo xusay in aysan marnaba aqbali doonin waalidiin la yimaada marmarsiyo markii la xiro caruurtooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post