1023 Views

Hay’adda Socdaalka Adduunka IOM oo sheegtay in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka sanadkan

Hay’adda Socdaalka Adduunka  IOM oo  sheegtay  in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka sanadkan
____________________________________________________________________________

Axad: December 12, 2021

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay  in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka oo dhan sanadkan 2021,taas oo ka dhigan in Caalamka, tirada dhimashada sanadkan ay  ka badan tahay tii la diiwaangeliyey sanadkii hore 2020 oo ahayd 4,236 ayey tiri IOM.

Heya’adda IOM waxa ay sheegtay in ugu yaraan 54 muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil baabuur oo khamiistii ka dhacay Chiapas – shilkii kaliya ee ugu dhimashada badnaa ee soo galootiga Mexico tan iyo ugu yaraan 2014, markaasoo IOM ay bilowday diiwaan gelinta dhimashada

Xuduudka dhulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga ayaa ka mid ah goobaha ay kor u kacday dhimashadu sanadka 2021 marka loo eego sanadihii ka horeeyey ayey lagu xusay warbixinta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post