330 Views

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay hormarinta howlaha Kalluumeysiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay hormarinta howlaha Kalluumeysiga
____________________________________________________________________________

Sabti: 19 Nofembar 2022

Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar.

labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, islamarkaana ay isaga kaashan lahayeen dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wasiir Sayed Alqasiir uu sheegay in Masar ay ku deeqayso Soomaaliya deeqo waxbarasho iyo tababaro u gaar ah cilmiga badaha iyo kallumeysiga, tababaro badmaaxiin ah.

Sidoo kale Wasiir Sayed Alqasiir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Qaarada Afrika, Masarna ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka labada dal oo ay qayb weyn ka qaadato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, si ay uga faa’iideystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aaden dhankiisa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Masar soo dhoweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, isagoona ka sheekeeyey cilaaqaadka taariikhiga ah ee ka dhaxeeyay labada dal inuu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa dhigiisa Masar ka dalbaday iney kala shaqayso dowladda Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa Kallumaysiga dalka oo loo heli lahaa Maraakiib Kallumaysi, tababaro kor loogu qaadayo tayada kalluumeysatada, iyo meelaha kalluunka lagu diyaariyo si logo iib geeyo Masar Iyo dunida inteeda kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post