1041 Views

Qarax ka dhacay bar control oo ciidamada ammaanka HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed

Qarax  ka dhacay bar control oo ciidamada ammaanka HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 9, 2021 

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ayaa sheegaya in goordhawayd uu halkaas ka dhacay Qarax aan weli la xaqiijin nooc uu ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay magaalada iyo Deegaanada ku Xeeran. Waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Sidoo kale Qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa mid xoogan ayaa ka shacay bar control oo ciidamada ammaanka HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, gaar ahaan halka loo yaqaano lambar Uno.

Kala Soco Bogan Wixii ku soo kordha Qaraxaas

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post