1011 Views

Guddoomiye”Cismaan Barre”Shacabka Hir-Shabeelle badbaado ayay rabaan”

Guddoomiye”Cismaan Barre”Shacabka Hir-Shabeelle badbaado ayay rabaan”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 12, 2020 –Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadley arrimo ay kamid yihiin Cudurka Coronavirus iyo Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey ee ahaa in la xiro xaduudaha dalka.

 

Sheekh Cismaan Barre waxaa uu sheegay in dhamaan xaduudaha Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Hiiraan uu yahay mid iska furan oo uu Maalin walba jaadka si caadi ah uu uga soo galo,isaga oo sheegay in Hir-Shabeelle u baahan tahay badbaado.

 

 

 

“Runtii xaduudaha Hir-Shabeelle uu la leeyahay maamul goboleedyada waa uu iska furan yahay cid ilaaliso majirto jaadka waa uu iska soo galaa,dowladda waxaan ugu baaqayaa inay arrintaasi waxka qabato oo Hir-Shabeelle ay badbaadiso ayuu yiri”Guddoomiye Cismaan Barre.

 

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan si caadi ah jaadka loo geeyso,sidoo kale Guddoomiyaha Cusub ee weli aan xilka la wareegin ee Cali Jeyte Cismaan uu sheegay in uu xiri doono dhamaan Xaduudaha Gobolka Hiiraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment