117 Views

Soomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn dal-ku-galka Kenya

Soomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn dal-ku-galka Kenya
____________________________________________________________________________

Ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto in Kenya ay joojin doonto shuruudihii dal kugalka ee dadka booqanaya Kenya, dhammaan dadka soo gelaya ayaa hadda u baahan doona in ay dalbadaan oggolaanshaha safarka Elektaroonigga ah ee loo soo gaabiyo (ETA) si loo aqoonsado marka ay soo galayaan.

ETA-da Kenya waa nidaam otomaatik ah kaas oo go’aaminaya in qofku uu soo geli karo ama soo booqan karo Kenya.

Tilmaamo dhowr ah oo ku xusan gudaha bogga ETA, ayaa dhammaan booqdayaasha, oo ay ku jiraan carruurta waxa ay u baahan doonaan arrimahan sida ay sheegtay dawladda Kenya, kuwaasoo inta badan ay kala mid tahay dalalka dunida:

Baasaboor shaqaynaya ugu yaraan lix 6 bilood kadib taariikhda la qorsheeyay in ay Kenya ku yimaadaan oo leh ugu yaraan hal bog oo bannaan.

Sawirka nooca baasaboorka. Macluumaadka xiriirka sida (cinwaanka emailka ama lambarka taleefanka), faahfaahinta la xiriirta waxa uu daaran yahay safarka, iyo xaqiijinta halka aad ku degi lahayd iyo waxyaabo kale.

Waxaa intaa dheer in booqdayaasha qaarkood sidoo kale looga baahan doono in ay caddeeyaan dhaqaale gacan ku qabsi ah oo ay haystaan iyo sidoo kale tikidka laabashada.

Baasaboor Diblomaasi ah ayaa looga baahan doonaa dadka u socda safarrada dibloomaasiyadeed iyo warqad rasmi ah oo ka yimid waddankii ay ka yimaadeen.

Soo booqdayaasha ayaa lagula taliyay inay soo gudbiyaan codsiyada ugu yaraan 3 maalmood ka hor safarka si wakhti ku filan loogu hubiyo oggolaanshaha.

Waxaa xusid mudan in dhammaan dowladaha Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) laga reebay barnaamijkan ETA.

Hase yeeshee Soomaaliya oo dhawaan ku biirtay ururkan ayaan ka muuqan liiska loo qorsheeyay in ay ka maqnaadaan qorshahan dal-ku-galka, iyadoo u muuqataa in dadka ku soo safraya baasaboorka Soomaaliga looga baahan doono in ay maraan habkan ETA.

“Muwaadiniinta Waddamada Iskaashiga Bariga Afrika, Dalalkaas waxaa ka mid ah Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda, ayaa laga reebay barnaamijkan muddo 6 bilood ah”, ayaa lagu xusay bayaanka.

Mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala arrimaha safarrada ee Soomaaliya ayaan wax ka weydiinnay sida arrintan ay u saameyn karto soomaalida ka soo safreysa Soomaaliya ee doonaya in ay usoo gudbaan Kenya.

“Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay dowladda Kenya ee loo yaqaanno ETA, waxa uu gebi ahaanba wax ka beddelay qaabkii safarka ee Kenya lagu tegi jiray, ma saameynayo bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay, laakiin Soomaaliya wuu saameynayaa”, sidaas waxaa yiri Abuukar Dhaqane oo ah milkiilaha shirkadda Dhaqane travel agency oo ka shaqaysa dhoofka la isaga kala goosho Soomaaliya iyo Kenya.

“Soomaalida ku soo safraya baasaboorka Soomaaliga ah, waxay u baahan doonaan in ay codsadaan fiisaha ama dal-ku-galka, waana isla sidii hore waxba lagama beddelin” ayuu yiri.

Dhaqane ayaa sidoo kale yiri, “Soomaaliya iyo dalal kale sida Afghanistan, Pakistan, iyo Yemen, si gaar ah ayaa loola socdaa baasaboorradooda marka hadda in baasaboorka Soomaaliga ah lagu tago Kenya bilaa fiisa wey adkaan doontaa”.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in baasaboorka laga bedelo si la mid ah dalalka kale ee bulshada bariga Africa ay ku mideysan yihiin, ka dib ayey ka mid noqon kartaa dalalkaas aan looga baahneyn codsiga dalkugalka” ayuu sii raaciyay Dhaqane.

Madaweyne Ruto oo u ololeeya ganacsiga xorta ah ee Afrika ayaa marar badan ka codsaday wadamada Afrika in ay meesha ka saaraan shuruudaha dal ku galka.

Tani ayuu Ruto sheegay in ay taageeri doonto aas-aaska aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo (AfCFTA) kaas oo doonaya in uu abuuro suuq aan xuduud lahayn oo loogu talagalay ganacsiga iyo ganacsatada Afrika.

Saraakiisha socdaalka ayaa dhowaan shaaciyay in qaybtii ugu horreysay ee ajaanib ah isla markaana aan dal-ku-gal soo qaadan ay ka degeen Kenya.

Xoghayaha guud ee waaxda socdaalka Julius Bitok ayaa sheegay in dadka kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ay yimaadeen iyagoo isticmaalaya oggolaanshaha safarka ee ETA.

Waxa uu sheegay in in ka badan 5,000 oo codsi oo dhinaca ETA-da ah la qabtay, iyadoo 2,141 la ansixiyay ilaa iyo haatan.

Dalka Kenya waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarna ay deegaan ahaan u deggan yihiin, qaar kalena meherado ganacsi iyo shaqooyin kala duwan ku haystaan, waana dalka ay Soomaalida ugu badan ee qurbaha ku nool deggan yihiin marka lagu daro kuwa ku jira xeryaha qaxootiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post