462 Views

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo is casilay

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo is casilay
____________________________________________________________________________

Wasiirkii Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa shaaciyay in uu xilkii iska casilay kaddib, markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu fulin waayay Heshiiskii uu Beledweyne ku galay markii la xalinaayay dadkii kasoo horjeeday Maamulkiisa.

Wasiirka ayaa qoraalka is casilaadiisa ku gudbiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen 14:Kii Bishaan, isaga oo ku sheegay sababaha ugu weyn ee uu isku casilay inay kamid yihiin.

1: Kadib markuu arkay in madaxweynaha Hirshabelle fulin waayey Balanqaadyadii uu

kutagay Magaalada beledweyne oo aheyd in uu saxayo awood qeybsiga Hirshabelle oo aan wali

wada ognahay in balantaas ay Nabadoono Badan u dakanoobeen kuwo kalane ay u geeriyoodeen.

2: Kadib markii uu dib u milicsaday daruufihii adkaa ay kusoo shaqeeyeen muddo 25 Bilood ah oo aan la helin wax gunno ama mushaar ah, iyada oo uu ogyahay in aysan jirin wax dhaqaalo xumo ah oo heysata Hir-Shabeelle

3: Mudane Madaxweyne waxaan go’aan saday in aan katago shaqada maadaama aysan dadkeygu heysan matalaadii ay ku lahaayeen Hirshabeelle anma awood qeybsigi lagu balamay, dhiig badan uu ku daatay, waxaana kaa rajeynaa in aad aqbasho codsigeyga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post