354 Views

Soomaali aroos Dhiganaysay oo lagu dilay toogasho ka dhacday Mareykanka

Soomaali aroos Dhiganaysay oo lagu dilay toogasho ka dhacday Mareykanka
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday magaallo ku taallo Mareykanka, laguna dilay 3 dhalinyaro ah oo Soomaali ah.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday magaaladda West Jordan oo ka tirsan gobolka Utah ee dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in nin hubeysan uu rasaaseeyey guri ay ka socotay xaflad aroos ah, isla-markaana ay ku sugnaayeen dadweyne u badan Soomaali.

Booliska magaalada ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uu ahaa mid ula kac ah, ayaga oo xaqiijiyey dhimashada saddexda wiil ee Soomaalida ah, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Qoraalka kasoo baxay Booliska laguma shaacin magacyada iyo da’da wiilasha Soomaalida ah ee ku dhintay dhacdadaas oo arooska u bedashay murugo iyo meel lagu kala cararay.

Sidoo kale wuxuu Booliska magaaladda West Jordan sheegay in ay weerarka kadib sameeyeen baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen wiil dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyey weerarkaas toogashada ah.

Arrintaan ayaa saameyn ku reebtay bulshada Soomaalida, waxaana la soo darsay walaac xoogan, maadaama si gaar ah loogu beegsaday weerarka cusub ee ka dhacay Mareykanka.

Labadii bilood ee u dambeeyey ayaa lasoo wariyey in dhalinyaro badan oo Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka Utah, halkaas oo ay ku nool yihiin qoysas Soomaali ah.

Sikastaba, magaalooyinka Mareykanka waxaa kusii kordhaya weerarada abaabulan ee toogashada, kuwaas oo ay haatan dowladdu isku dayeyso inay ka hortegto, waxaana socdo qorshe lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post