798 Views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo geeriyoodey

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo geeriyoodey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyey in uu Maanta ku geeriyoodey Magaalada london ee dalka Ingiriiska,halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay.

 

Geerida Ra’iusl Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey Wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde,isaga oo sheegay in saaka 7:00 Subaxnimo uu ku geeriyoodey magaalada london.

 

 

 

labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu la jiifey Cudurka Coronavirus,isaga oo ku jirey Isbitaal ku yaalla Magaalada london ee dalka Ingiriiska,isla markaana lagu baxnaaninayey xaaladiisa caafimaad.

 

War-Saxaafadeed uu soo saarey Wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa waxaa uu ku sheegay in Meydka Marxuumka loogu Aasayo Magalada london si waafqsan Shareecada Islaamka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment